Ururka Bisha Cas oo dhinacyada Siyaasada Soomaalida ka dalbatay in ay sii daayaan gargaar ay xanibeen
Geneva Jan 14,2012(qurbejoog.com)-Ururka Bisha cas ayaa dalb uu u jeediyay dhinacyada siyaasada Soomaalida ku dalbaday in xanibaada laga rogo kolonyo gawaadhiya oo sida gurmad raashin ah oo ku socda degaano ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya.
ICRC ayaa sheegay in masuuliyiin kala gedisani ay xanibeen raashin ku socday gobolada Shabeelada Dhexe iyo Galgaduud.
Xanibaadan oo saarn gawaadhida ilaa bishii hore ayaa lagu micneyay baaritaan lagu hubinayo tayada raashinka.
Shabeelada dhexe waxa gacanta ku hayaa kooxda Al Shabaab halka Galgadoodna ay qeyb ka joogaan halaka inta kale ay ka joogaan kooxda Ahlu Sunna.
Xanibaadan ayaa keentay in ururka Bisha Casi uu ku dhawaaqo hawljoojin horaantii todobaadkan.
Afhayeenka Bisha Cas Marie-Servane Desjonqueres ayaa saxaafada mar ay kula hadashay magaalada Geneva waxa ay sheegtay in masuuliyiintan kala duwani ay xanibeen kolonyo gawaadhiya oo tiradoodu gaadheyso ilaa 140.
“Ka dib 4 todobaad oo baaridani socotay cidi si waafi ah weli nooguma sharixin sababta gargaarkan looxanibay”ayay tidhi Marie-Servane.
Dhinacyada siyaasada isku haya ee bixiyay amarada xanibaada ah ayaan ilaa iminka wax war ah ka soo saarin amaradan ay bixiyeen iyo dalabka ICRC.
Ururka Bisha Cas ayaa ah ka gargaarka ugu balaadhan gaadhsiiya Soomaalida abaaraha iyo macluusha iminka uun ka soo kabanaya.
Qurbejoog-Geneva
contact@somalidiasporanews.com