Taageereyaasha Kulmiye oo shirka Khaatumo hurdadii ka toosiyay
Hargeyso Jan 13,2012(qurbejoog.com)-Taageerayaasha xisbul xaakimka Somaliland ee Kulmiye ayaa intii talada ay la wareegeen indhaha ka qarsanayay khaladaadka Xukuumada taageeradooda talada dalka kula wareegtay.
Huwanta Kulmiye ayaa awooda saaresay sidii ay isugu hayn lahaayeeen isbeheysigooda halka ay taa bedelkeeda xukuumada ku dhiiri gelin lahaayeen meel marinta qorsheyaashii xisbiga ee ay ugu codeeyeen.
Xukuumada ayaan wax khalad ah gelin kolka aad la sheekeysato taageereyaasha xisbiga Kulmiye,taas ayaase isbedeshay intii ka danbeysay shirka beelaha Sool uga furmay Taleex todobaadkii hore.
Taageereyasha Kulmiye ayaa horaantii shirka muujinayay kalsooni dheeri ah oo ku wejahan shirka,iyaga oo aad u hadal hayay sida shirkaasi u dhali doono natiijo ka farxisa shacabka Somaliland.
Balse intii ka danbeysay goaankii horu dhaca ahaa ee shirka ka soo baxay ay tibaaxayay in halkaa la iskula qaatay in maamul cusub lagu dhiso ayaa taagereyaasha Kulmiye niyadoodu isbedeshay.
Taageereyaasha xisbiga talada haya ayaa iminka uun bilaabay in ay ka dhab sheegaan sida xukuumada khaasatan madaxweyne Axmed Siilaanyo uu uga seexday masuuliyadisii.
Reer Kulmiye ayaa ay cadaatay in xitaa ay bixiyeen qeyb weyn oo ka mid ah kharashka ku baxay shirka ka socda Taleex isla markaana ergada qeyb ka mid ah dibadaha uga yeedhay.
Taageereyaasha Kulmiye ee dega Bariga Somaliland ayaa iminka uun dareemay khatarta ka dhalan karta natiijada horudhaca ah ee ka soo baxday shirka Khaatumo2.
Halka taageereyasha Kulmiye ee Galbeedku iminka uun dareemeen burburka ka imin kara xukuumadii ay dhisideeda mudada ku tabcayeen ee ay filayeen in ay mudo ku caano maalan.
Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawraaba waa waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo maalinta berito ah la hortago labada aqal baarlamaan ee Somaliland.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com