|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku khasban kala doorashada wasiirka arrimaha Guddaha iyo Taliyaha Booliska

Hargeysa Jan 12, 2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa soo wejahay xaalad cakiran oo ka dhalatay wada shaqeyn la’aan u dhexeysa wasiirka arrimaha guddaha iyo Taliyaha ciidamada Booliska.

Wada shaqeyn xumada u dhexeysa labadan masuul ayaa ka dhalatay colaadi ka dhacday Seemaal dhawaan oo sababtay xaalada cakiran oo ilaa haatan taagan.

Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Nuur Caraale ayaa Taliyaha Booliska amar uu siiyay oo lagu qabqabanayay rag lagu tuhunsan yahay dilkii Seemaal ayuu Taliyaha Booliska Somaliland Md Saqadhi Dubad ka dhego adeegay.

Wasiirka ayaa deeto madaxweyne Siilaanyo u sheegay in isaga iyo Taliyaha uu midkood u xilka ka qaado bacdamaa aaney wadashaqeyn kareyn.

Wasiir Duur ayaa sidoo kale beesha Gebiley oo rag ka soo jeeda dilka loo aaney muujiyay diidmo amarada wasiirka isla markaana madaxtooyada xusuusiyay taageeradii ay u fidiyeen madaxweynaha xiligii dooroshooyinka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa arrintan awgeed ay dhici kartaa in uu isku shaandheyn sameeyo.

Hadal heynta u badanise waxa ay tahay inĀ  wasiir duur ay seefta xil ka xayuubintu dul hoganeyso,oo isku shaandheynta horteed xilka laga qaadayo.

Kuxeeraneyaasha madaxweynaha ayaa doorbidaya in madaxweynuhu la hadho Taliye Saqadhi Dubad.

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed