Isbaheysiga Isbedelka iyo Dimuqraaadiyada Jabuuti oo taageeray baaq ka soo yeedhay xisbiga ARD
Ottawa Jan 11 2012(qurbejoog.com)-Kulan ay maanta isugu yimaadeen madaxda iyo taageereyaasha Isbaheysiga Isbedelka iyo Dumuqraadiyada ayaa looga wada hadalay soo jeedintii xisbiga ARD ee ku wejahnaa in ummada reer Jabuuti ay u sinaadaan talada dalka.
Madaxa Isbaheysiga Md Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole ayaa sheegay in loo baahan yahay in ummadu meel uga soo wada jeesato sidii Jabuuti loo bedbaadin lahaa.
Isbaheysiga ayaa qaba in muhiimad gaadha ay iminka Jabuuti u leedahay in ummada oo idil laga qeybgeliyo badbaadada dalku u baahan yahay.
Khaasatan in nidaamka beelaha ee dalka la hadhay laga gudbo oo loo gudbo hanaan dimuqradiyadeed oo aqoontu sal u tahay.
Gunaandkii kulanka Isbeheysiga iyo taagereyaashooda ayaa laga soo saaray baaq taageero oo la isku garab taagayo baaqa ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka Jabuuti ee ARD ee ku wejahnaa asaaska dalad mucaarid oo reer Jabuuti u siman yahay.
Isbeheysiga Isbedelka iyo Dimuqradiyada Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin taagerona la garab taagan yihiin cid walba oo isku dayda in ay ummada reer Jabuuti ku mideyso isbedel dalka ka hirgala.
Dhawaan ayaa shir ay isugu yimaadeen mucaaridka Jabuuti oo looga wada hadlay isbedel lagu sameeyo dalad mucaaridka Jabuuti ku baheysnaayen ayaa la isku afgaran waayay habka dhamaan ummada reer Jabuuti looga qeybgelin karo dalada iyo dedaalada Mucaaridka.
Qurbejoog-Ottawa