BOOGAADIN IYO BARAARUJIN: Wakalada Biyaha Caasimada iyo Maareeyaheeda.
Waa hore waatii dadka Soomaaliyeed yidhaaheen, “War xumi dugsi ma fadhiisto.” Waa dhab midhkaasi. Sidoo kale, waxa iyaduna dhab iyo biyo kama dhibcaanba ah inaanu warka kiisa wacanina dugsi iyo damal toona ku hakanin! Aniga malahayga, nacaybka la necebyahay awgeed ayuun baan maskax ahaan u fahamnay inuu ‘warka xumi’ ka dheereeyo wararka kale oo dhan, laakiin runtu sidaas maaha ee mid kastaaba waa dheereeyaa!
Caawa goor habeenimo dambe ah ayaan fogaal araga (TV ga) daaray, dabeeto waxan u weekday Horn Cable oo iga caawiya la socoshada wararka ku saabsan dalka. Sida runtu tahay, marar badan baa warar aan aad u saluugaa iiga yimaadaan wadanka, laakiin caawa sidaas may ahayn ee war lagu diirssado ayaan la kulmay. Markaan TV ga shiday waan taagnaa, sababtoo ah maan doonaynin inaan u fadhiisto oo ku raago, laakiin waxan hubaa, inaan TV gas ii hor taagnaa sodon daqiiqo oo dambe, oo intaasna aan dhabanka iyo gacanta uun isku hayay! Maxaan u hor taagnaan waayay TV ga saw war lagu diirsadaa kama soconin?
Waxan la kulmay iyadoo la akhriyaayo warbixin sanadeedkii waxqabadka Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, waxaana markaas akhriyaayay Maareeyaha Wakaalada Mr Ibraahim Siyaad qudhiisa. Maareeye Ibraahim warkiisu mid waafi ah buu ahaa, waxaana iiga muuqday isku kalsooni, iyo caqli cusub oo ka gadisan waxyaalihii hore aan Wakalada uga maqli jiray, ama qudhaduba mararka qaarkood goobjooga u ahaa. Warka Wakalaada warbaahinta oo dhan baa faafisay oo ku soo celin mayo, laakiin dhawr qodob baan jeclahay inaan taabto. Waxan boogaadin warka qaybtii badnayd ee boogaadinta mudnayd, waxan tilmaami wixii aan tabay ee aan jeclaan lahaa inaan maqlo, sidoo kale, waxan taaban wixii talo ah ee isla mawduuca ku saabsan.
Warbixinta uu Maareeye Ibraahim akhriyaayay, oo ay ka muuqatay in si habaysan loo soo diyaariyay waxay isugu jirtay tilmaan kooban oo ku saabsan xaaladii Wakaalada uu maamulka cusubi ugu yimid, waxa tan iyo waagaas u qabsoomay, iyo waxyaabaha ay ku hamiyayaan. Qodobka dhexe ee waxqabadka, oo ahaa mid dhab ahaan aad u qiimo badan, waxa ku jiray dib-u-habayn shaqaalaha Wakalada ah; dayactir iyo soo gadista mishiino cusub; kordhinta dakhliga; bixinta daymaha Wakaalada iyo abuurista dhaqaale kayd ah (Reserve budget). Maaha intaas oo kaliya ee Wakaaladu waxay gashay ganacsiga casriga ah (Electronic business) iyadoo ay shirkada Telesom iska kaashadeen sidii macaamiishu ay biilashooda inta aan laba soo waydiinin ay internet ka iyo mobile-ladooda ugala socon lahaayeen! Intaas oo dhan, iyo intii kale ee badnayd, ee aanan soo qaadiniba waxay ahayd war lagu diirsado, waana wax u baahan in loo qiro cidii ku fikirtay iyo intii fulisayba. Waxan leeyahay Ibraahim Wakalaadu way ku rayn, waxan se la hubin in sidii Maareeyihii Dakada Berbera la bedeli doono iyo in kale.
Anigu waxan ogaa 2009 kii mar aan xafiiska dhexe ee Wakalada tagay, iyadoo dadku ay dhib wayn ku qabaan inay xataa biilashooda bixiyaan oo kaliya. Waxad moodaysay dadku inay baryayaan in lacagta laga qabto, qofkii qudha ee biil bixinaayana waxay qaadanaysay muddo aad u dheer in faylkiisa la heloba. Wuxu ii sheegay nin aanu maalintaas wada soconay inay dadku biilashooda meel daaqad ah oo sare ka soo tuurayaan, dabeeeto ay halkaas iska fadhiisanayaan oo sugayaan goorta loo yeedho uun. Hadii qofku uu biilkiisa si sahlan u helo, si sahlana u akhriyo wixii lagu leeyahay iyo sida loogu yeeshay, markaas kadib waxa u sahlan inuu aduunkiina iska bixiyo oo aan labada dhinac midkoodna wakhti ka lumen.
Maxaa meesha ka maqnaa:
Wakaalada Biyaha ee Hargeysa waa hay’ad dawladeed, waana hay’adaha ugu waawayn uguna mihiimsan ee qaranka midkood. Hay’ada sidaas u balaadhan, oo magic-xumo badani haysatay muddo dheer, dabcan wax kastaaba sax ma noqon karaan. Warbixinta Maareeyaha waxaan kuba jirin qayb muhiim ah oo ah qaybtii dhaliisha! Dabcan qofna isma dhaliilo, dhaliishuna waa arin xanuun kulul, mana aha dhab ahaan wax dhexdeena caadi ka ah, laakiin waxan filaayay mar hadii uu Ibraahim la yimid geesinimo iyo caqli cusub oo uu isbedel baaxadaas leeg ku muujiyay wakhtigaas aadka u gaaban, inuu muujiyo geesinimo uu ku sheego wixii uu ka gaabiyay, amaba sidii uu rabay u dhici waayay xataa dhaliisha isaguba ha yeeshee. Taasi waxaan sharaf ahayn ma keenteen, waa se dhaqan dhamaanteen inaga wada maqan. Geesta kale, tusaale ahaan, warbixinta waxa lagu sheegay waxyaalaha ay Wakaaladu ka rabto macaamiisha oo ay ugu horayso inay biilasha si wacan u bixiyaan, laakiin lama soo qaadin waxyaabaha ay macaamiisha qudhoodu sheegtaan ee tabashooyin ah. Taas micnaheedu ma inaan wax tabasho ahi jirin baa? Waxan rajaynayaa in warbixinaha dambe qaybtaasna lagu soo daro.
Meelaha ugu daran, ee in daaha laga faydo ku wacnaan lahaa waxa ka mid ah qorshaha cusub ee Maareeye Ibraahim uu kula tacaalaayo aafadii musuqa. Wakaalada Biyuhu waxay can ku ahayd, sababo badan awgood, cudurka musuq-maasuqa oo lafaha ka galay. Sidaas darted, waxa wacnaan lahayd bal inuu Maareeyaha cusubi warkiisa ku soo daro waxa ilaa hadda arintaas daawaynteeda uga qabsoomay, iyo daawada uu isticmaalayaa nooca ay tahay. Guri kasta oo Hargeysa ku yaala, gaar ahaan intooda biyaha hesha, waxay kaaga sheekaynayaan qisooyin foolxun oo ku saabsan dhaqanka ay kala kulmaan shaqaalaha Wakaalada, gaar ahaan qolyaha Farsamo-yaqaanada ah. Maareeyuhu wuxu sheegay, oo si dadban u tilmaamay inay shaqaalaha waxyaalo badan oo lagu sheegi jiray ka saxeen, laakiin waxa la saxay iyo sida loo saxayba inay dadwaynuhu ogaadaan baa wacan.
Geesta kale, magaalada biyo yaraan ba’an baa ka jirta, waana dhab oo Maareeyuhuba wuu sheegay, laakiin waxa la tilmaamaa inuu hasha kud dilay, waxna u weheliyaan. Biyuhu way yaryihiin, laakiin hadana biyaha yare e la haysto sida loo qaybiyo ayaa dhaliilo badan laga sheegaa. Waxa la tilmaamaa in meelaha qaarkood beeraha guryaha oo baaxadoodu kala duwantahay biyaha qasabada lagu waraabiyo, taangiyada ay magaaladu caanka ku tahay ee xaafaduhu ay ku kaydsadaan biyahana aan lagaba aqoonin. Taas maxaa ka jira, maxaad se ka qabateen? Sidoo kale, meelaha adeegyada dadwaynuhu ka socdaan sida xafiisyada dawlada, dugsiyada qaarkood, goobaha ganacsiga, goobaha cibaadada sida masajidada, waxa lagu isticmaalaa biyo aad u tiro badan, waanay u baahanyihiin, waa se laga sii baahi badanyahay. Markay sidaas oo kale tahay, waxa haboon in meelahaas oo dhan laga wada joojiyo biyaha, taas bedelkeedana guryaha iyo meelaha dadku ku noolyahay laga fuur yeelo. Qofkii masjidka tagayaa gurigiisa ayuu ka wayso qaadan karaa, qofkii ganacsi wadaana isaga ayaa tabtuu u seexdo ka shaqayn doona, laakiin caruuraha iyo guryaha waa in laga fuur yeelo. Sidoo kale, guryaha ay cadaato inay biyo badan isticmaalaan oo beero waraabiyaan maaha uun in biilka laga qaato, ee waa in loo xadido in nolosha dadka ku filan, wixii dheeraad ahna laga joojiyo si dad kale oo ooman loo gaadhsiiyo.
Fikir soo jeedin:
Mudane Maareeye, waxad warbixintaada ku xustay, oo waliba Wasiir Mr Ducaale na uu kaa daba maray, in aad caawimo meelo kale ka timaada sugaysaan oo waliba dhakhso ah si biyaha Jaleelo iyo Xumbo-wayne Carabtu ka qoday magaalada caasimada ah ee ooman loo soo gaadhsiiyo. Waa war fiican hadii la ina cawinaayo, laakiin caawimadaas Ibraahinoow muddo dheer baynu sugaynay. Hay’ado iyo ururo badan baa caawimo la waydiistay labaatankii sano ee ina dhaafay, wax ka yimidna lama arkin. Hadaba, Ibraahinoow, anigoo og inaadan go’aanka gooni u lahayn, hadana waxan kuu sheegayaa habka ugu wacan, ee ugu sahlan, ee ugu sumcada badan, ee magaalada lagu waraabin karaa uu yahay iyadoo mashruuca biyo balaadhinta hanti khaas ah lagu maal galiyo. Waan wada ognahay in adeegyadii dadwaynaha oo ay koow ka tahay isgaadhsiintu private laga dhigay, waxaana ku baxday boqolaal million oo Dollar sidii mashaariicda telecommunication ka loo hir-galin lahaa. Way hir-gashay, cid mucaawimo loo waydiiyayna ma jirto, biyuhuna dhaqaale intaas ka yar iyo dadaal intaas ka kooban bay u baahanyihiin. Waxa kaliya ee Wakaalada Biyaha iyo Wasaarada arintu khusaysoba looga fadhiyaa waa inay dadwaynaha u furan sidii ay mashaariicda noocaas ah u maal galin lahaayeen.
Shirkadaha biyuhu kama duwana kuwa korontada iyo telefoonada, waxa kaliya ee meesha ka maqanina waa fikirkii iyo shuruucdii arintaas lagu maamuli lahaa. Waxyaalahaas adeegyada bulshada ku saabsan oo dhan badiyaa imika caalamka waxa qabta hay’ado/shirkado gaar loo leeyahay, sababtuna waa iyadoo aanay maalgalinta mashaariicdaasi dawlada culays ku haynaynin, iyadoo si ka wacan sidii dawlada ay private secter ku badiyaa u shaqeeyaan, iyadoo dadka dhaqaalahoodu ku kobco maalgashiga gaarka ah, iyo iyadoo dawlada cashuur badani uga soo hoyato. Waxa inaga maqan qayb ahaan, dhaqankii isku tashiga iyo inagu maxaan qabsan karnaa? Waxa faafay dhaqan ah in caawimo debedeeed iyo hay’ado wax keenayaan, laakiin waa cudur u baahan in laga bogsoodo, ama ugu yaraan horta jidkii bogsashada la qaado. Waxan rajaynayaa inaad dhinacaas hormood ka noqotaan.
Guul iyo gobanimo.
Waa Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com