|

Masjid ku yaal dalka Nigeria oo la gubay iyo colaad Diimeed dalka ka socota

Benincity Jan 09,2012(qurbejoog.com)-Masjid ku yaal magaalada Benincity ee dalka Nigeria ayaa maanta la weeraray ka dib kolkii dad gadoodsan oo masiixiyiin ahi ay jawaab ka bixiyeen weeraro ay Kaniisado ku qaadeen kooxda xagjiriinta ah ee Boko Xaraam.

Dadkan gadoodsan ayaa Masjidka dab qabadsiisay isla markaana wax yeeleeyay dad ilaa toban ruux ahaa oo halkaa ku cibaadeysanayay.

Shalay ayuunbay aheyd kolkii ay madaxda dadka masixiyiinta ah ee ku nool Nigeria ay sheegeen in ay iska difaacayaan weerarada uga imanaya kooxda Boko Xaraam.

Cabsida ah in ay dalka Nigeria ka bilowdaan dagaalo diimeed ayaa todobaadkan cirka isku shareertay ka dib kolkii ciidamo hubeysan oo labada dhan ah lagu arkay degaanada ay wadayaaliin Masiixiyiinta iyo Muslimka.

Ciidamada dawlada Nigeria oo qudhooda la geeyay degaanada lagu dagaalamayo ayaa wada hawgalo ay ku sugayaan amniga.

Qurbejoog-Benincity
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed