|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhanbaal tacsi u diray ehelkii uu ka baxay marxuum Waqaf

Hargeysa Jan 09, 2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta dhamaan reer Somaliland ka tacsiyadeeyay geeridii ku timi Md Aadan Mire Waqaf oo ka tirsanaa xisbiga UCID,dhanbaalkuna sidan ayuu u qoraa;

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM AADAN MAXAMED MIRE (WAQAF) oo ku geeriyooday Dalka Maleysiya, Xilal kala Duwana ka soo qabtay Dalka JSL, markii ugu Danbaysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga UCID.

 

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Comments are closed