|

Khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday Gaarisa oo sii kordhaya

Garisa Jan 01,2012(qurbejoog.com)-Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay weerar dabley hubaysan ay xalay ku qaadeen Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya xilli loo dabaal dagayay Munaasabadda sanadka 2012-ka.

Kadib markii xalay kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen goob lagu caweeyo oo ku taala Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay weearkaasi.

Inta la’ogyahay weerarkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 5-ruux halka ku dhawaad 30-kale ay ku dhawaacmeen kuwaasi oo ahaa dad isugu yimid goob lagu caweeyo oo ku taala Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dadka dhintay ayaa lagu soo waramayaa inay isugu jiraan Soomaali iyo Kenyaati, waxaana wararku ay sheegayaan in dadkaasi 3-ka mid ah ay yihiin Soomaali halka kuwa kale la tilmaamay inay ahaayeen Muwaadiniin Kenya oo u dabaaldagayay Sanadka cuusb ee 2012-ka.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada booliska Kenya ee Magaalada Gaarisa inkastoo raggii weerarka gaystay oo aha kooxo ay u duubnaayeen wajiyada ilaa iyo iminka la garan la’yahay cidda ay yihiin iyo goobta ay ka duulaan tageen.

Dalka Kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamadoodu Milatariga ay usoo talaabeen Soomaaliya waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo falal ammaan dari, iyadoo inta badan Saraakiisha Kenya ay ku eedeeyeen arrimahaasi inay ka dambeeyaan Ururka Al Shabaab.
Qurbejoog-Garisa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed