Bandow lagu soo rogay Dhagaxleey iyo howlgallo ay ka sameeyeen Ciidamada Kenya
Dhagaxleey Dec 30, 2011(qurbejoog.com)- Ciidamada dowladda Kenya ayaa howlgallo dad lagu soo qab qabtay waxa ay ka sameyeen Xerada Dhagaxleey ee dalka Kenya, iyagoo dhinaca kale Bandow kusoo rogay Xeradaasi.
Sida ay xaqiijiyeen dad ku jira Xerada Dhagaxleey ee dalka Kenya, Ciidamada dowladda Kenya ayaa halkaasi waxa ay ka sameyeen howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayay ammaanka Xeradaasi.
Ciidamada ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Miinooyin lagu aasay Xerada islamarkaana lala damacsanaa in lagu qarxiyo Ciidamada dowladda KMG Kenya ee mar waliba halkaasi ka sameeya howlgallo ballaaran.
Dhinaca kale Bandow ayaa la sheegay in lagu soo rogay Xerada Dhagaxleey ee dalka Kenya, iyadoo Ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigeen dad badan oo Soomalai ah oo lagu eedeynayo falal ammaan dari ah, waxaana la tilmaamay in arrintaasi ay saameyn ku yeelatay dadka ku sugan halkaasi
“ Saakay mar qura ayaa waxaan kusoo toosnay Ciidamo ka tirsan Kenya oo howlgallo ka sameynaya Xerada Dhagaxleey, anaga waa baqanay oo Ciidamadu si aad ah ayay u hubeysnaayeen” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka ku sugan Xeradaasi
Ciidamada dowladda Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa howlgallo is daba joog ah ay ka sameynayeen Xerooyinka ku yaala dalka Kenya oo ay kusoo bateen qaraxyada ka dhanka ah ciidamada Kenya.
Qurbejoog-Dhagaxley