|

Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo ku dagalamaay Jubbooyinka

Taabto Dec 30,2011(qurbejoog.com) Dagaalkaani oo la isku adeegsaday hub kala gadisan ayaa Ciidamada dowladda KMG iyo Al Shabaab waxaa uu ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

3-ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, waxaana rasaasta iyo Madaafiicda ay isku adeegsanayeen dhinacyadaasi ay ku dhacaysay meelo ka baxsan goobaha ay ku dagaalamayeen.

Afhayeen u hadlay Ciidamada dowladda ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladaani uu ka bilowday kadib markii Al Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen Ciidamada dowladda KMG ah, waxaana uu sheegay in qasaaro ay gaarsiiyeen Ciidamadaasi.

Sidoo kale Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa sheegey in qasaaro ay gaarsiiyeen Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo ay weerar ku qaadeen, isagoo tilmaamay inay wadayaan dagaalada ka dhanka ah dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid dagan, waxaana inta badan Jubbada hoose ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Kooxda Al Shabaab

 

Qurbejoog-Taabto
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed