|

Indonesia oo cambaareysay dilkii shaqaalaha MSF loogu gaystay Muqdisho

Nairobi Dec 30, 2011(qurbejoog.com)- Dowladda Indonesia ayaa ka hadashay dilkii mid ka mid ah Muwaadiniinteeda loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

Iyadoo shalay Sarkaal Soomaali ah oo ka tirsanaa Hay’adda MSF Belgium ee Magaalada Muqdisho uu ku toogtay labo shaqaalo uu cadaan ah islamarkaana u howgalayay Hay’addaasi ayaa arrimahaasi waxaa cambaareeyay oo ka hadlay dowladda Indonesia.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda ee Indonesia Mecheal Tene ayaa waxa ay sheegtay in wax laga xumado ay tahay dilkii Magaalada Muqdisho loogu gaystay Dr.Kace oo u howlgalayay Hay’adda MSF Belgium oo shalay dhaawicii soo gaaray uu dib ugu geeriyooday, wuxuuna sheegay in wax wanaagsan aysan ahayn dad ku howlan wax ka qabshada xaaladaha bini’aannimo hadana ay dil lagula dhaqaaqo shaqaalahaasi.

Dr.Kace oo u dhashay wadanka Indonesia ayaa da’diisu lagu sheegay 44-jir, waxaana la tilmaamay in uu ahaa ku xigeenka Madaxa Caafimaadka MSF Belgium ee Magaalada Muqdisho, iyadoo la tilmaamay in arrintaani ay hakad galin karto howlaha samafal oo ay Hay’addaasi ka wado Magaalada Muqdisho.

Sarkaal Soomaali ah oo ka tirsanaa Hay’addaasi ayaa shalay waxaa uu gudaha Xarun ay ku leedahay nawaaxiga ZOOBE uu ku dilay labo shaqaale oo u howlgalayay Hay’addaasi, iyadoo la sheegay in arintaasi ay ka dambeysay in ruuxa dilkaasi gaystay laga eryay shaqadii uu ka hayay Hay’addaasi.
Qurbejoog-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed