Mareykanka oo saaka laga waayay Xawaalad
Minneapolis Dec 30,2011(qurbejoog.com)-Baankii u danbeeyay ee Xawaaladaha Soomaalida ka qaban jiray lacagaha ay Soomaaliya u dirayaan ayaa shalay gebi ahaanba joojiyay macaamilkii ay Somalida la laahyeen.
Soomaalida oo Xawaaladaha Mareykanka eheladooda sanad walaba u marin jiray masaariif lagu qiyaasay ilaa 100 million oo dollar ayaan iminka heysan goob ay sanadkan u mariyaan eheladooda lacagahaasi.
Franklin Sunrise ayaa ahaa Baanka keliya ee adeegan u qaban jiray Soomaalida mudooyinkii u danbeeyay.
Banka ayaa shegay in isbedelo lagu sameeyay shuruucda hagta lacagaha la diro ay keentay in uu adeegan hakiyo waqtigan la joogo.
Soomaalida Minneapolis oo Bankani xarun u haeyd iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa mudoba iminka waday dedaalo ma dhaleys noqday oo lagu qancinayay Banka.
Soomaalida reer Mareykan ayaa saaka la soo toosay werwer ku wejahan halka qoysaskoosa ay u marin lahaayeen lacagaha masaariifta ah.
Ma ahan uun shacabka Soomaaliyeed cida qudha ee adeega Xawaalaha isticmaasha ee waxa sidoo xawaalaha isticmaala dhamaan heyadaha gargaarka iyo kuwa horumarinta kuwa Mareykankuna ka mid yihiin.
Qurbejoog-Minneapolis