|

Syria oo dishay dibedbaxayaal faro badan iyo kormeereyasha Carabta oo daawanaya

Dimishiq Dec 30,2011(qurbejoog.com)Ciidamada amaanka ee dalka Syria ayaa sii wada leynta dibedbaxayaasha ku kacsan dawlada dalkaasi xili halkaasi ay ku sugan yihiin sadex maalmood kormeereyaal ka socda Jaamacada Carabta.

Guud ahaan waxa shalay oo qudha lagu dilay ilaa 160 ruux oo kacdoon ka waday magaalooyin kala duwan oo dalkasi ku yaal.

Dimishiq oo uu ku sugnaa madaxa Kormeereyaasha Gen Mustafa Dabi ayaa lagu dilay 16 ruux oo isu soo bax ku sameynayay meel aan ka fogeyn Hotelka ay kormeereyaashu ku nool yihiin.

Shacabka gadoodka wada ee reer Syria ayaa sii anba qaaday dibedbaxooda intii ka danbeysay booqashada kormeereyaasha Carabta.

 

Qurbejoog-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed