Mareykanka oo ka jawaabay eed la xidhiidha cudurka Cancerka oo faro baas ku haya madaxda reer Latin America
Washington DecĀ 30.2011(qurbejoog.com)Hogaamiyaha dalka Venezuala Hugo Chaves ayaa si duur xula ugu eedeeyay dawlada Mareykanka in ay dhici karto in ay lug ku leedahay madaxda dalalka Latin Amerca oo Cancer faro baas ku hayo.
Afhayeen u hadashay Mareykanka ayaa jawaab ay ka bixisay haladalka Hugo Chaves waxba kama jiraan ku tilmaantay.
“Hadalka Chaves waa mid laga naxo,jawaab intaa dhaafsiisana uma qalmo”ayay tidhi Victoria Nuland oo ah afhayeen wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka.
Hugo Chives ayaa iminka uun ka soo kabanaya Canser dhawaanahanba uu la tacaalayay.
Halaka madaxda dalalka Brazil,Paraguaway iyo Argentina ayaa iyaguna waxa dhawaan soo ritay cudurka Cancerka.
Hugo Chives ayaa dhawaan saxaafada ka sheegay in la isweydiin karo in Mareykanku iminka leeyahay awood uu cudurka ku qaadsiin karo cidii ay is hayaan.
Dalalkan Latin America ayaa gebigooda siyaasadoosu u janjeedhaa dhanka bidix,isla markaana ku hawlan dedaalo lagu dhimayo saboolnimada,Chaves ayuunbaase colaad siyaasadeed ka dhexeysaa Mareykanka.
Qurbejoog-Washington