Ururada la furay oo muujiyay in culimadu aqbashay qadiyada Somaliland
Hargeysa Dec 30,2011(qurbejoog.com)-Intii ka danbeysay ku dhawaaqida ururada siyaasiga ah ee Somaliland waxa soo baxay sawiro ay ka mid ahaayeen sida culimada Somaliland haatan ugu qanacsan yihiin qadiyada gooni isu taaga Soomaalind.
Taa waxa laga dheehan karaa sida muga leh ee ay uga qeybqaateen ku dhawaaqida ururo diini ah oo siyaada ka qeybqaata oo dalku yeesho.
Waxa la xusuustaa in culimada Somaliland ay ahaayeen qeybta ugu mudan bulshada ee hore u qaadacay dhamaan hanaankii dimuqraadiyadeed ee dalku soo maray oo ay bidco u arkayeen.
Waxa u danbeeyay diiwaangelintii Doorashooyinka oo gebi ahaanba ay culimadu qaadacday,goaankaas oo ka dhigay in wax ka yar boqolkiiba 30 ay isu diiwaangeliso doorashooyinkii madaxtooyada.
Sidoo kale waxa lag adheregsanaa sida Culimada Somaliland ay ukala saari weydey midnimada Muslimiinta dunida iyo ta Soomaalida ee ay u qaadaceen qadiyada gooni isu taaga Somaliland.
Iminakase waxa soo shaac baxay in culimadu waaqiciga la qabsatay oo ay garwaaqsatay in mujtamica ay la nool yihiin siyaasadooda culimo ugu noqdaan.
Tani waa tilaabo keeni karta kor u qaadida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo wacgelinta mujtamica reer Somaliland.
Qurbejoog-Hargeysa