|

Qoxooti Soomaali ah oo in ay Holland sii joogaan loo ogolaaday

Ter Apel Dec 30,2011(qurbejoog.com)-Tiro Soomaali ah oo dhawaan ay aheyd in dalkoodii hooyo dib loogu celiyo ka dib kolkeey ku guuldareyteen in la aqbalo sheegashadooda Qaxootinimo ee dalka Holland ayaa maanta laga ogolaaday in ay dib u soo guddbiyaan dalab cusub.

Soomaalida oo teendhooyin ka hor sameysatay xarun qaxootiga lagu hayo  oo ku taal Ter Apel ayaa laga ogolaaday maanta in ay Holland sii joogaan inta dalabkooda maxkamadi dhegeysaneyso.

Heshiiskan oo uu saxaafada u xaqiijiyay mid ka mid ah xubnaha golaha degaanka ee Ter Apel ayaa imanaya xili ay cimilada dalka Holland tahay mid aad u qaboow oo in dibedda la seexdo macquul aheyn.

Soomaalida la damcsanaa in dalkooda lagu celiyo ayaa ku doodayay in aaney jirin dal nabdoon oo lagu celiyo.

Halka dawlada Holland ay sheegatay in Soomaalidu gacan ka geysan karto sidii dalkooda loogu celin lahaa halka ay ka cabanayaan.

Ma cada halka xaalka soogelootigani uu sal dhigan doono kolka maxkamadu dib dacwadooda u dhegeysato.

 

Qurbejoog-Ter Apel

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed