Jabhadda ONLF oo cambaareysay Ethiopia
Dubai 29, December 2011 (Qurbejoog.com)- Kadib markii dowladda Ethiopi ay xukun dheer ku riday labo wariye oo u dhashay wadanka Sweden oo lagu eedeeyay inay gacan siinayeen Jabhadda ONLF ayaa arrimahaasi waxaa ka hadlay Mas’uul ka tirsan Jabahaddaasi.
Madaxa Warfaafinta ee Jabhadda ONLF Xuseen Max’ed Nuur oo ku sugan Magaalada Dubai ayaa waxaa uu sheegay in xukunkaasi uu yahay mid sharci daro ah islamarkaana uu ka dambeeyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Malez Zanawi, isagoo tilmaamay in loo diidanaa inay soo tabiyaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dhulka Somali galbeed maadaama uu sheegay in dadkaasi gumaad ku hayaan Ciidamada Ethiopia.
Johan iyo Martin jibi ayaa ah labo wariye oo u dhashay wadanka Sweden islamarkaana dowladad Ethiopi ay sheegtay inay soo qabatay xilli ay caawinayeen Jabhadda ONLF, iyadoo baaritano kadib lagu xukumay min 11-sano oo xarig ah taasi oo ay si wayn u cambaareysay dowladda Sweden.
Xuseen Max’ed Nuur Madaxa Jabhadda ONLF ayaa waxaa uu intaasi ku daray in xukunka lagu riday labadaasi wariye aysan marna saameyn ku yeelan doonin Jabhadoodu, isagoo tilmaamay in mar waliba ay u taagan yihiin difaaca dhulkoodu.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Sweden ayaa ku eedeysay Xukuumadda Ethiopia inay ku deg degtay xukunkaasi islamarkaana ay iska dhaga tirtay baqyo kaga imaanayay Ra’iisul wasaraha dalka Sweden.
Qurbejoog-Dubai
contact@somalidiasporanews.com