Mucaaridka Syria oo dhaleeceeyay kormeereyaasha Jaamacada Carabta
Homs Dec 29,2011(qurbejoog.com)-Kooxaha kacdoonka ka wada dalka Syria ayaa maanta dhaleeceeyay haka ay kormeereyaasha nabada ee Jaamacada Carabtu howshooda u guddanayaan.
Kormeereyaasha ayaa u daba taagnaa goobaha ay booqanayaan ciidamada dawlada dadkeeda keyneysa ee Bashaar Al Asad.
Maanta ayuunbeyna ka baxeen gacanta ciidamada dawlada oo ay booqdeen goobaha maalmihii u danbeeyay ciidamadu ku garaacayeen madaafiicda.
Madaxa Kormeereyaasha Gen Mutafa Debi ayaa hadal ka soo yeedhay aad uga cadheysiiyay kooxaha mucaaridka.
Genanka ayaa sheegay in booqashadisii Homs aanu ku arag wax dhibaato ah oo halkaa ka jirta.
Ciidamada Syria ayaase maanta oo u danbeysay dilay ilaa 16 ruux oo ka mid ah dadka kacdoonka wada.
Dawlada Syria ayaase dhankeeda sheegtay in ay fulisay mid ka mid ah qodobadii heshiiska ee ahaa in la sii daayo dadka xabsiyada ku jira.
Waxaaney maanta xabsiga ka sii deysay ilaa 755 ruux oo loo qabqabtay rabshadaha dalkaas ka socda.
Qurbejoog-Dimishiq