Jabuuti oo mudaharaad baaxad leh looga diyaargaroobay iyo xukuumada oo wada dedaalo lagu baajinayo
Jabuuti Dec 29,2011(qurbejoog.com)-Guudahaan Jabuuti ayaa maalmahan laga dareemayay diyaargaroow baaxad leh oo ay wadaan axsaabta mucaaridka dalka oo kaashanaya shacabka ka niyad jabay habka dalka ay u maamuleyso xukuumada Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.
Waxa si qarsoodi ah loo wadaa abaabulka u diyaargaroowga dibadbax balaadhan oo dalka ka dhaca maalinta berito ah.
Xukuumada ayaa dhankeeda wada dedaalo ay ku dooneyso in ay isku hortaagto dibedbaxa.
Maanta waxa la sheegay in xukuumada Jabuuti ay bixisay mushaharada shaqaalaha dawlada si aane shaqaaluhu qeyb uga noqon dibedbaxyada.
sidoo kale Xukuumada Geelle ayaa amar ku siisay dhamaan ciidamada dalka in aaney fasax u bixin maalmaha soo socda.
Ciidamada ayaa inta badan xiliyada fasaxyda sanadka cusub qooysaskood waqti dheeraad ah la qaata.
Waxaana muuqata in xukuumada Jabuuti dhankeeda ka diyaargaroobeyso.
Qurbejoog-Jabuuti