|

AMISOM oo soo dhawaysay howlgalka Ciidamada Jabuuti ee Somaliya

Muqdisho Dec 21,2011(qurbejoog.com)- Taliska Ciidamada  Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Ciidamada Jabuuti ee soo gaaray Magaalada Muqdihsho. 

Taliye ku xigeenka Ciidamada AMISOM Major Aduce Naduwumunsi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Ciidamada Milatariga Jabuuti ee soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in talaabada Jabuuti ay qaaday inay tahay mid geesinimo leh. 

Major Aduce ayaa waxaa uu tilmaamay in dowladda Jabuuti ay si deg deg ugu jawaabtay baaqii kasoo baxay Ururka Midowga Afrika ee ku aadanaa in Ciidamada ka socda dalkaasi la geeyo Soomaaliya, isagoo xusay in Ciidamadaasi ay waxbadan ka qaban karaan ammaanka Soomaaliya. 

Taliye ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti la gayn doono deegaanka Jaziira ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmamay Jabuuti ay ka sugayaan dhamaystirka Ciidamadaani. 

100-askari oo aad u qalabaysan oo uu hoggaaminayo Janaral Sakariye Ibraahim ayaa shalay kasoo dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo ka qeyb ka ah howlgalka Ciidamada AMISOM, hase ahaatee waxaan la’ogayn waxa ay kusoo kordhin karan Ciidamadaan xaaladda dalka Soomaaliya.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed