|

DKMG Somaliya oo sheegtay in Ciidamada Jabuuti ay waxbadan ka qaban karaan ammaanka Somaliya

Muqdisho Dec 21,2011(qurbejoog.com) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in Ciidamada dowladda Jabuuti ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ay wax badan ka qaban karaan Ammaanka Soomaaliya. 

C/samad Macalin Max’ud oo ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda Federalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ee soo gaaray Muqdisho ay waxban ka qaban karaan ammaanka Soomaaliya. 

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada ay ka go’antahay ka qeyb qadashada nabad ka dhalata dalka, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ay kaalin wayn ka cayaaraan soo celin ammaanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. 

Shalay ayaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa kasoo dagay  cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo si aad ah u qalabaysnaa, waxaana Ciidamada ay ka mid yihiin kuwa Midowga Afrika AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta ka wada Soomaaliya.

Al Shabab ayaa horey digniin ugu jeediyay dowladda Jabuuti oo sheegay in loo baahanyahay in inbadan ay ka fiirsato in Ciidamo ay soo dirto Soomaaliya, hase ahaatee waxaan shaki ku jirin in Ciidamada ay iyana qeyb ka noqonayaan dagaalada AL Shabaab ay ugu soo horjeedaan dowladda, iyo AMISOM.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed