|

ciidamada Masar oo fadeexad kala kulmay sida ay ula macaamileen Haweenka gadoodsan

Qahira Dec 21,2011(qurbejoog.com)-Ciidamada amaanka ee dalka Masar ayaa ku fashilmay hab dhaqankooda ku wejahan dadka gadoodsan ee isugu soo baxay wadooyinka magaalada Qaahira.

Ciidamadu waxa ay sidoo kale ku fashilmeen oo taageero badan ku waayeen sida ay ula macaamilaan dumarka ka mid ka ah dibed baxayaasha. Warbaahinta caalemiga ah ayaa laga daawaday ciidamada oo dharka ka jeexjeexay haween isla markaana garaacaya.

Maj. Gen. Adel Emara oo ka mid ah hogaanka ciidamada haya talada Masar ayaa difaacay hab dhaqanka ciidamada isla markaana ku eedeeyay dibedbaxayaasha in ay doonayaan in ay qaranka bur buriyaan.

QM ayaa dhaleeceysay sida arxan darada ah ee ciidamadu u garacaayaan dadka ay qabtaan ee aan la dagaalameyn.

 

Qurbejoog-Qaahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed