|

Dhakhaatiir reer Canada ah oo bilaabaya tijaabada dawo cusub oo lagula tacaalayo cudurka HIV

Toronto Dec 21,2011(qurbejoog.com)-Dhakhaatiir ka hawl gasha Jaamacada Western Ontario ayaa maanta shaaciyay in ay ogolaasho u heleen in ay bilaabaan tijaabada dawo ka hortagta qaadida cudurka HIVĀ  ee isu roga AIDS.

Dhakhaatiirta ayaa talaabadan ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh malaayiinta ruux ee cudurkani uu dilooday iyo baaritaanka dawadan oo ay sanado wadeen.

Talaabadan ayaa waxa ay ka dhigan tahay in iminka dawda cudurka HIV in lagu tijaabin karo biniaadamka.

Tijaabadan oo sadex marxaladood mari doonta ayaa lagu eegi doonaa dad isugu jira qaar qaba cudurka iyo qaar ay suurtogal tahay in ay qaadaan.

Dr. Chil-Yong Kang oo isagu hormuud ka ahaa baaritaan socday mudo lix sanadood ah ayaa sheegay in iminka ay bilaabayaan baaritaano horu dhaca oo ay ka qeybqaadan doonaan dad cudurka qaba oo tiradoodu tahay ilaa 40 ruux.

Tijaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu hubiyo in dawadani tahay mid aan leheyn wax khatar ah,ka dibna waxa loo gudbayaa in lagu eego dad kumanaan ah si loo hubiyo in dawado tahay mid shaqeyneysa.

 

Qurbejoog-Toronto

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed