|

Ciidamada Kenya oo howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay Xagar-dheer

Xagar-dheer 20, December 2011 (Qurbejoog.com)-  Ciidamada ammaanka ee booliska Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay dad badan oo lala xiriirinayo qaraxii shalay ka dhacay Xerada Xagar-dheer ee dalka Kenya.
 
Howlgalkaani oo ahaa kuwo ballaarna islamarkaana Ciidamada booliska Kenya ay ka sameeyeen hareeraha Xerada Xagar-dheer ee Woqooyi bari dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad badan oo Soomaaliya kuwaasi oo looga shakisan yahay qaarkood inay ka dambeeyaan qarax shalay Ciidamada Kenya lagula eegtay halkaasi.
 
Ciidamada ayaa la sheegay inay wateen gawaarida gaashaaman, waxaana ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 13-ruux oo la sheegay in qaarkood lagu tuhmayo qaraxii shalay Ciidamada booliska Kenya lagula eegtay Xerada Xagar-dheer ee dalka Kenya sida uu Webiste-ka Somalidiasporanews.com ay u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal.
 
Goobjoogayaashu sidoo kale waxa ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay jir dil u gaysteen dad badan oo Somaaliya taasi oo aargagax ku abuurtay Soomaalidii ku sugneyd halkaasi, waxaana iminka la sheegay in xaaladda ay tahay mid dagan.
 
Majiro ila iyo iminka wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada booliska dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi iyo cid sheegatay.
 
3-askari ayaa ku geeriyootay 1-kalana wuu ku dhaawacmay kuwaasi oo ka tirsanaa Ciidamada booliska Kenya kadib qaraxa shalay duhur lagula eegtay Xerada Xagar-dheer ee Woqooyi bari dalka Kenya.

Qurbejoog-Xagardheer

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed