|

Mareykanka oo walaac ka muujiyay isticmaalka Twitter ee Shabaabka

Nairobi Dec 20,2011(NYTimes/qurbejoog.com)-Dawlada Mareykanka ayaa walaac ka muujisay isticmaalka Shabaabka ee barta Twitter isla markaana ka fiirsaneysa tilaabada ku haboon ee ay arinkaa ka qaadanlahaeyd.

Mareykanku ma cadeyn habka ay u wejahayaan marxakadan cusub iyada oo ay iminka ka fiirsanayaan hab sharci oo ay ku xidhaan barta Shabaabku ku leeyahay Twitter iyada oo doodu noqon doonta mid u dhexeysa xoriyatul qoolka iyo la dagaalanka Argegixisada.

Ilaa iminka fariimaha Shabaabku direen waxa ay u badan yihiin uun qaar ku saabsan dagaalada ay galaan iyo dacaayadeynta ciidamada Kenya ee Soomaaliya October galay.

Mareykankuse waxa uu ka walaacsan yahay in Shabaabku aaladan u isticmaalaan in ay ku kasbadaan xagjiriin jihad doon ah.

Masuuliyiinta Mareykanka ee arrintan eegaya ayaa qaba in ay heystaan sharciyad ay Twitter uga dalban karaan in ay xidhaan barta Shabaabka ee Twitter.

Ilaa iminka waxa ku xidhan bartan dad tiradoodu ay gaadheyso ilaa 4,600 oo ruux.

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed