Xildhibaano taageersan Shariif Xasan oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Muqdisho 19, December 2011 (Qurbejoog.com)- Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay taageereen go’aan ay sheegeen in Madaxda dowladda Soomaaliya ay ka qaateen khilaafka hareeyay Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqeen Xildhibaanada barlamanka inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo midnimada Soomaaliya.
Xildhibaan Cumar Max’ed Max’ud (Cumar Fanish) oo horey u ahaan jiray Wasiirkii arrimaha diinta iyo Owqaafta ee Xukuumaddii Cali Max’ed Geeddi oo u hadlay Xildhibaanada maanta kulanka yeeshay ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay taageerayaan Madaxda dowladda sidii ay meesha ugu saareen kala qeybsanaanta u dhaxaysa barlamanka Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaan C/naasir Max’ed Gaarne oo isna ka mid barlamanka oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu ugu baaqay danta qaranka oo ay u dhaarteen, wuxuuna sheegay in hadii qof la dhecebyahay loo baahanyahay in si sharci ah xilka looga qaado oo ay dhacdo codeyn ay ku qanacsantahay Umadda Soomaaliyeed.
Gabagabadii ayaa Xildhibaanada maanta kulanka isugu yimid waxa ay si buuxda u taageereen shirka wadatashiga ah ee maalinta birito ah ka furmaya Magaalada Garoowe ee Maamul goboleedka Puntland kaasi oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay, waxaana ay ugu baaqeen barlamanka iyo Madaxda dowladda in la ilaaliyo heshiiskii Kampala iyo Roodmaabka u hartay dowladda KMG ah.
Qurbejoog-Muqdisho