Shir lagaga hadlayay Mashruuca horumarinta JPLG oo lagu qabtay Hargeysa
Hargeysa (DHH/qurbejoog.com)-Shir balaadhan lagaga hadlayay mashruuca horumarinta degmooyinka gobolka maroodi jeex ee lagu magacaabo JPLG ama Join Program ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee dawlada hoose ee Caasimada Hargaysa.
degmooyinka mashruucan ka qayb qaadanaya oo kala ah Faraweyne,Cadaadley, Daarasalaam,Laasgeel,Sabo Wanaag iyo shanta degmo ee Caasimadu ka kooban tahay kaas oo dib loogu eegayay baahiyihii ay bulshada laga soo qoray.
Shirkan waxa ka hadlay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa Mawliid Waris C/laahi oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Gobolada iyo degmooyinka ee Wasaarada arrimaha Gudaha, iyadoo uu socodsiinayay Dr.Siciid Aadan .
Kulankan ayaa lagu gorfeeyay baahiyaha laga soo gudbiyay dadweynaha ku nool deegaamada ka faa’iidaysta mashruucan oo sannadle ah isla markaana ay hirgeliso Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP, Iyadoo la isla qaatay in loo eego sida ay deegaamadani mudnaanta u kala leeyihiin ama ugu kala badan yihiin.
xasan maxamed cabdilaahi
hargeisa
somaliland