Dilalaka ay geystaan raga wax u dhiman yihiin oo ku soo badanaya Yurub
Roma Dec 14,2011(qurbejoog.com)-Waxa beryahan danbe ku soo badanaya dalalka reer Yurub dilal wadareedyo ay geysanayaan rag xaaladooda dhimir laga deyrinayo oo sababo kala duwan awgood dil u geysta dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dilalkan oo ay ka mid ahaayeen kii uu geystay ninkan qalafsan ee reer Norway dhawaanta ee uu ku dilay dad todobaatameeyo ahaa ayaa keenay walaac.
Shalay waxa iyana la soo sheegay in nin qudhiisu xaaladiisa caafimaad aaney hagaagsaneyn in uu dad rayid ah ku laayay dalka Belgem.
Ninkan oo qudhiisa is-dilay kolkii danbe ayaa Booliisku sheegeen in uu ahaa nin ay hore u garanayeen oo danbiyo hore galay.
Maantana dalaka Talyaaniga ayaa nin dad rayid ah dalkaa uu ku weeraray,wararka horudhaca ahina waxa ay sheegayaan in uu halkaa ku laayay dad dhawr ah.
Macada sababha kordhiyay dilalka ka socda Yurub,balse xeldheereyaashu waxa ay u nisbeynayaan xaalada dhaqaale xumo ee Qaarada ku habsaday iyo hoos udhaca dulqaadka loo lahaa dhaqamada kala duwan ee halkaa kuwada nool.
Qurbejoog-Roma
contact@somalidiasporanews.com