Kulan maanta ay yeesheen xildhibaanada KMG ah ee Soomaaliya oo gacan ka hadal ku dhamaaday
Muqdisho Dec 14,2011(qurbejoog.com)-Kulan maanta ay yeesheen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhamaaday buuq iyo gacan ka hadal ka dib kolkii la isku maan dhaafay goaan ay shalay xilka uga qaadeen guddomiye Shariif Xasan.
Buuqa iyo gacan ka hadalka ayaa yimi ka dib kolkii uu ku-xigeenka Guddomiyaha Baarlamaanku damcay in uu ku fadhiisto kursiga guddomiyaha oo isagu safar dalka uga maqan.
Waxa gacanta isula taagay maanta tiro xildhibaano ah oo lagu qiyaasay ilaa toban oo kala taageersan labada guddoomiye baarlamaan.
Xildhibaanada gacanta isula tegay ayaa waxa gaadhay dhawaacyo fudud oo u badan qaar wejiga ka gaadhay.
Muranka xubnaha baarlamaanka ayaa salka ku haya goaan shalay ka soo baxay baarlamaanka oo lagu sheegay in xilkii looga qaaday guddomiyaha baarlamaanka Shariif xasan sheekh aadan.
Qurbejoog-Muqdisho