QM oo dalbatay 1.5 billion si loo quudiyo Soomaalida Macluushu weli heyso
New York Dec 14,2011(qurbejoog.com)QM ayaa maanta soo saartay baaq iyo qeylo dhaan ay ku dalbaneyso lacago ay sheegtay in ay u baahan tahay si ay u sii wado quudinta Soomaalida weli ay Macluushu heyso.
QM oo baaqan ku sheegtay in ay u baahan tahay aduun gaadhaya 1.5 Billion oo dollar oo lagu meel marinayo in ka badan 350 mashruuc oo geeska Africa laga hirgelinayo.
Mark Bowden oo ah isku duwaha hawlaha gargaar ee QM oo baaqab jeediyay ayaa sheegay in lacagtan 1.5 billion ah ay muhiim u tahay quudinta Soomaalida oo gaegaar u baahaneysa sanadka soo socda.
Kala badh Soomaalida ku nool geeska Africa ayaa u baahan gargaar isugu jira quudin iyo adeg caafimaad oo degdeg ah.
Qurbejoog-New York