Kenya oo sheegtay in ciidamadoodu ku wejahan yihiin Kismaayo
Raas Kaanbooni Dec 14,2011(qurbejoog.com)Ciidamada dalka Kenya oo kaashanaya ciidamo ka amar qaata dawlada KMG ah ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ku wejahan yihiin magaalada Kismaayo.
Sidaana waxa maanta ka sheegay degmada Raas Kaanbooni mar uu la hadlayay saxaafada Captain Thomas Mwanga.
Hadalkan ayaa ka duwan mid uu dhawaan saxaafada u sheegay wasiirka gaashaandhiga Kenya Md Yusuf Xaaji oo sheegay in aaney beegsaneyn Kismaayo.
Captain Thomas Mwanga ayaase sheegay in wasiirka hadalkiisu ahaa ma qabsaneyno Kismaayo ee waan xoreyneynaa ka dibna waxaan ku wareejineynaa DFKMG ee Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay dawlada KMG ah ee Soomaaliya oo la yidhaahdo Mohamed Ibrahim Faarah ayaa sheegay in roobabkii ay qaadeen uu n10 casho ka hor 10 maalmood ka dibna ay ciidamadu hawlgalka ay qaadi doonaan.
Ciidamada Kenya ayaa galay guddaha dalka Soomaaliya badhtamihii bishii October balse aan wax guulo ah oo la taaban karo ka gaarin hawlgaladooda.
Halka Shabaabku ay weeraro daba marteen ah ku qaadeen degaanada xadka ku teedsan ee ku yaal guddaha dalka Kenya.
Qurbejoog-Raas Kaanbooni