Al Shabaab oo sheegay in Ciidamada Kenya ay jab xoogan ku gaarsiiyeen Jubbooyinka
Muqdisho Dec 13, 2011(qurbejoog.com)- Kooxda Al Shabaab ee dagaalada kala soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaalo Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ay kula galeen deegaanka Taabta oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka Shabaabka ayaa waxaa uu guulo ka sheegtay dagaaladii ka dhacay deegaanka Taabta kaasi oo markiiba horeba uu sheegay inay qaadeen cutubyo ka tirsan Ciidamada AL Shabaab.
Abuu Muscab ayaa waxaa uu carabka ku dhugtay in ciidamo Al Shabaab ay bilaabeen taatikooyin cusub oo ay kula dagaalamayaan Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, isagoo xusay inay wadayaan dagaaladaasi ilaa iyo iminka ay ka awood roonaanayan dhinacyadaasi.
Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sheegay in jab xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG ee ku sugan deegaanka Taabta, wuxuuna carabka ku dhuftay in Shabaab gaalo, gaal ay u yihiin Muslinna uu yahay Muslin sida uu hadalka u dhigay.
Majiro ila madaxbanaan oo xaqiijinaya guulaha ay sheeganayaan Kooxda Al Shabaab ee ku aadan dagaaladii ka dhacay Jubbooyinka, inkastoo dagaal xalay ka dhacay Taabta uu khasaaro kasoo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.
Qurbejoog-Muqdisho