Al Shabaab iyo Af hayeenka ciidamada Kenya oo dagaalkoodii u raray Twitter
Nairobi Dec 13,2011(qurbejoog.com)-Afhayeenka Xarakada Al Shabaab iyo ka ciidamada Kenya ee duulanka ku jooga Soomaaliya ayaa beryahan dacaayado iyo eedeymo isku weydaarsanayay bart Internetka ee Twitter.
Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadkii hore ku soo biirtay barta Twitter si markaa ay uga hortagato eedaha afhayeenka ciidamada Kenya uu ku faafiyo Internetka.
Isniintii ayay kooxda Shabaabku waxa ay ku eedeeyeesay Kenya in ay hore u gumaaday Soomaalida ku nool Woqooyi Bari mar ay ciidamdeedu weerareen goobta la yidhaahdo Wagala oo ay ku dileen 3 kun oo Soomaali ah sanadii 1984tii.
Sidoo kale Shabaabku waxa ay Twitter ku daabeceen in ciidamada Kenya ay fuleynimo muujiyeen kolka la iska horyimaado oo ay goobta dagaalka ka yaacaan.
Waxa ay Shabaabku qoraalkooda ku xuseen hadal Dhawaan ka soo yeedhay afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchir oo uu ku sheegay in ay duqeyn doonaan raxan Dameero ah oo hub u sida Shabaabka,barta Shabaabka oo hadalkaa looga jawaabay ayaa lagu sheegay “in qorshahiisa dagaal ay kooxaha u dooda xuquuqda xayawaanka ay aad uga walaacsan yihiin”.
Dhankiisa afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchirayaa daabacay xog uu ku sheegay in Shabaabku ay dhawaan ay dileen Gabadh yar oo aan waxba galabsan isla markaana ay adimada ka jaraan dadka,afhayeenka ayaa dalbaday in qoraalkiisa loo gudbiyo dunida si haweenka soomaaliyeed taageero ugu noqoto.
Si kastaba ha ahaatee qoraaladan ay labada dhan dunida la wadaagayaan ayaa noqon lahaa qaar muhiim u ah in wax laga ogaado xaalad aka jirta goobaha dagaal,balse waxa muuqda in labada dhanba ay u isticmaalayaan uun dacaayad ay doonayaan in ay ka kale ka fidiyaan.
Qurbejoog-Nairobi