|

Dr Gaboose oo maanta Hargeysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed,balana qaaday inuu Haweenay ka dhigi doono Madaxweyne Ku-xigeen

Hargeysa Dec 12,2011(qurbejoog.com)-Waxa maanta magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo hore wasiirka arrimaha Guddaha uga soo noqday xukuumada Axmed Siilaanyo.

Dr Gaboose oo hore u iclaamiyay in uu xilkii wasiirnimo uga tegay sababo la xidhiidha damacan siyaasadeed ayaa ururka uu maanta ku dhawaaqay la yidhaa Ummada.

Dr Gaboose ayaa manata ka waramay ururkan siyaasadeed iyo sababaha dhaliyay ku dhawaaqidiisa mar uu qaar ka mid taageereyaashiisa iyo marti sharaf kale ugu waramayay magaalada Hargeysa.

Kulanka maanta looga dhawaaqay ururkan cusub oo ka dhacay Hoteel Mansoor ayaa ahaa mid lagu wada dhamaa.

Dr Gaboose oo halkaa ka hadlayna waxa hadaladiisii ka mid ahaa:-

“Waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, oo fursadan maanta isaga la’aantii aanay suurto gasheen, waxaanay arrintan furashada ururaddu go’aan adag ku ahaa xisbigiisa, shacbigiisana tallada weydiiyay ee shacbigu ku raacay, ayuu is waafajiyay balamadii uu galay xiligii olalaha doorashada. Waxaanu u badheedhay inuu xisbigiisa tartanka geliyo haddii uu doono ha ku hadhee.”

“Waxaan Madaxweynaha u haynaa ciso iyo sharaf, waxaanan hubaa inuu dalkiisa iyo dadkiisa daacad u yahay, laakiin haddana kama madhna inay wax badani ka khaldanaan karaan, waxa mucaaridka loo sameeyay inay wax caayaan ee waa in ay dawladda u tilmaamaan wixii ka khaldan,”ayuu yidhi.

Dr. Gaboose wuxuu sheegay inay maanta ku dhawaaqeen urur siyaasadeed dhinac kasta laga soo dhisay sharciyadiisii samaystay. “Ururnimaddu waa wax culus waa wax qadiyad qaran salka ku haysa inaad ka fiirsatid weeye, waxaan idiin sheegayaa wakhtiga ugu weyn waxa iga qaaday waxay ahayd inaan isku helo dad masuuliyadda qaranka xambaari kara, qabyaalada iyo cunsuriyadu ku yar tahay oo dalka meteli kara.waxaan doorbidnay inaanu soo dhisno urur dadweynaha wada meteli kara,” ayuu yidhi Dr. Gaboose, wuxuuna intaa raaciyay, “Waxaan dhawaan soo bandhigi doonaa Marwo Dumar ah oo taariikhda Somaliland markii u horeysay ah ee madaxweyne Ku xigeen jagadiisa la keeno ah.”

Dr Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu sidoo kale sheegay in ku xigeenkiisu yahay aqoonyahan reer Awdal ah oo la yidhaa Md. Qaasim Sh. Ibraahim Tubeec.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed