Warbixin:Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qarka u saaran in xilka laga qaado
Muqdisho Dec 12,2011(qurbejoog.com) Iyadoo Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ay dhowr jeer mooshin ka keeneen Afhayeenka Baralamanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa iminka waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu khal khal ku jiro Kursiga gudoomiyaha uu kaga fadhiyo barlamanka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay kulamo badan oo ka dhan ah gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay tilmaameen in uu ku takri falay Axdiga qaranka KMG, waxaana ay tilmaameen Xildhibaanada in gudoomiyaha barlamanka uusan doonayn in uu furo fadhiyada barlamanka Soomaaliya.
Xildhibaanada kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cali Max’ud Faarax (Cali Seeko) oo sheegay in uu ku takri falay axdiga KMG ah, waxaana uu ugu baaqay Hay’adaha ammaanka iyo Saraakiisha AMISOM inay hakiyaan safarada uu doonayo in uu dibadda u aado Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sidoo kale inka badan 200, oo Xildhibaan oo ka tirsan barlamanka oo iyana kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si toos ah u weerareen gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay sheegeen in uu diidanyahay in uu furo f fadhiyada barlamanka, waxaana ay tilmaameen in Madaxweynaha dowladda KMG ah ay u gudbiyeen mooshinno ka dhan ah Afhayeenka Barlamanka.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xusid mudan in barlamanka uu ka haystay codad badan oo kalsooni ah markii xilka laga qadayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) hase ahaatee iminka waxaa jira Xildhibaano badan oo kasoo horjeeda siyaasadaha guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya.
Xildhibaano badan oo isku dayay inay fadhiyo ku yeeshaan Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa is hortaag ku sameeyay Ciidamada AMISOM taasi oo loola jeeday in fadhigaasi uusan raali ka aheyn guddoomiyaha barlamanka, waxaana taasi ay ka careysiisay Xildhibaano badan oo ka tirsan barlamanka.
Siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka iyo mad madowga soo kala dhexgalay Xildhibaanada barlamanka iyo guddoonka sare, waxaana ay sheegeen in loo baahanyahay in laga talaabo khilaafkaani soo kala dhexgalay Mas’uuliyiintaani.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macalin Max’ud oo la hadlay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada barlamanka ay yihiin Xubinta ugu sareysa dalka islamarkaana loo baahanyahay inay xaliyaan khilaafkaadka soo kala dhexgalay Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya.
Heshiiskii Magaalada Kampla ee Xarunta Uganda lagu gaaray ayaa waxaa uu dhigayay in gudoonka barlamanka aan laga keeni Karin wax muushin ah, hase ahaatee arintaasi ayaa waxa ay u cuntami waysay Xildhibaano badan oo gudoonka ku eedeeyay in uu ku takri falay Axdi qarameedka, waxaana iminka qal qal ku jira kursiga guddoomiyaha barlamanka uu kaga fadhiyo Barlamanka Soomaaliya, iyagoo qaarkood sheegay in xilka ay ka qadayaan gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Qurbejoog-Muqdisho