|

Ergadii Jabuuti oo gacmo madhan kala soo noqday Hargeysa

Jabuuti Dec 10 2011(qurbejoog.com)-Waxa dhawaan magaalada Hargeysa degdeg ugu dhoofay Gudoomiyaha Banka dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxmuud Xeyd iyo Mareeyaha Dekeda Jabuuti si ay u soo dejiyaan caro ka dhalatay wareysi uu madaxweynaha Jabuuti dhawaan siiyay Jariirada Jeune Afrik oo uu ku duray Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Gelle ayaa sidoo kale ka baxay dhamaan heshiisyo hoosaadyo uu la galay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa Axmed Siilaanyo gacan weyn ka siiyay doorashooyinkii madaxtooyada ee Somaliland.

Halka madaxweyhana Somalilandna uu Geelle gacan uga fidiyay mudo kororsigii uu dhawaanta meel marsaday.

Balse kulan dhawaan dhexmaray labada madaxweyne ayaa khilaaf ku dhamaaday ka dib kolkii uu madaxweynaha Somaliland dalbaday dhameystirka heshiisyadii hore loo galay.

Madaxweynaha Jabuuti ayaase ka gaabsaday fulinta balan qaadyo ku wejahnaa gacan ka siinta Somaliland arrimaha aqoonsi doonka.

Safarka Jaamac Xeyd ee Hargeysa ayaa la sheegay in aanu wax natiijo ah oo la taaban karo aaney ka soo bixin.

Saxaafada ayaan xitaa lagu wargelin joogidiisa iyo kulamada uu xukuumada la yeeshay.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa tiroba dhawr jeer balan fur ku sameeyay madaxweyneyaashii kala duwanaa ee soo mara Somaliland.

 

Qurbejoog-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed