Diyaarad duqeymo xoogan u gaystay saldhigyada Shabaab ee Baardheere
Muqdisho Dec 10, 2011(Qurbejoog.com)- Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad sida la sheegay laga leeyahay dalka Kenya ay duqeymo xoogan la dhacday Saldhiyo iyo bar Controllo Al Shabaab ay ku leeyihiin degmadaasi.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in diyaaradda ay ilaa dhowr gantaal ay ku garaacday halkaasi, waxaana la tilmaamay in goobta ay duqeysay diyaaradaha ay ku sugnaayeen Saraakiil sida la sheegay ajinabi ahaa oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Al Shabaab.
Inta la xaqiijiyay 5-dagaalyahan oo ka tirsan AL Shabaab ayaa ku geeriyootay weerarkaasi cirka ah halka 3-kale la tilmaamay inay ku dhaawacmeen, waxaan daqiiqado badan xaaladda goobaha ay duqeeyeen diyaaradaha ay noqotay meel jawigeeda uu aad u kacsanyahay.
Majiro wax war oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeynta diyaaradahaasi ay u gaysteen degmada Baardheere hase ahaatee duqeyntaani waxa ay ka mid tahay duqeymo diyaarado laga leeyahay Kenya iyo kuwa kale ay ka gaysteen gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koofurta Soomaaliya.
Qurbejoog-Baardheere