|

Reysul wasaaraha Britain oo lagu canaantay goaankii uga hadhay heshiiskii Dhaqaalaha Yurub

London Dec 10,2011(qurbejoog.com)-Reysul wasaaraha dalka Britain ayaa shalay qaadacay heshiis ay dhawaan gaadheen reer Yurub oo lagu xakameynayo xaalada dhaqaale xumo ee qaaradaas suuqyadeeda ragaadisay dhawrkii sano ee u danbeyay.

Mr David Cameron ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dhantaalayo madaxbanaanida dalkiisa sidaa awgeedna uu u qaadacay.

Xukuumada Britain ee huwanta ah ayaa ka kooban axsaabta Conservativeka iyo kuwa kuwa Liberalka oo iminka ku kala qeybsamay goaankan.

Sidoo kale madaxa Xisbiga mucaaridka ee Labourka Mr Ed Miliban ayaa si weyn u dhaleeceeyay Goonka uu Mr Cameron uga hadhay heshiiskii dhaqaale ee Yurub.

Heshiiska ayaa dalalka mdawga faraya in ay xakameyaan qaraashaadkooda dawladeed hadii kalena la ciqaabi doono.

Mr Cameron ayaa hesta weli tageerada dadka ka soo horjeeda in Britain ku biirto Midawga Yurub.

Dalalka reer Yurub ugu waa weyn sida Faransiiska iyo Jarmalka ayaa si weyn u dhaleeceeyay goaanka Britain,sheegayna in Britain laga tegay oo ay gaadhiwaa noqotay.

Sidoo kale waxa iyaguna walaac muujinayay madaxda dhaqaale,ciidan iyo siyasadeed ee dalka Mareykanka oo si guud uga walaacsan saameynta khilaafka Yurub dunida ku yeelan karo.

 

Qurbejoog-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed