Madaxweyne Shariif oo u dhoofay dalka Qadar
Muqdisho Dec 09, 2011(qurbejoog.com)- Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kusii sagootiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka mid ah labada gole ayaa maanta ka duulay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda Magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaasi oo la filayo inay kulamo kula soo qaataan Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dalkaasi.
Safarka Madaxweynaha ayaa ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad buuxda ka helay Madaxda dalkaasi, iyadoo la filayo in Mas’uuliyiinta dalkaasi ay kawada hadlaan xaaladaha ammaan ee Soomaaliya iyo Bini’aadannimada.
Lama oga waxa kasoo bixi doona kulamada la filayo in Madaxweyne Shariif uu la qaato Madaxda dalka Qadar, hase ahaatee inta badan markii ay booqdaan Mas’uuliyiinta dowladda wadamo kale waxa ay Mas’uuliyiinta dalalkaasi kala soo hadlaan Xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalaha bini’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.
Qurbejoog-Muqdisho