Ban Ki-moon oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho, kulamona la qaatay Madaxda dowladda KMG ah
Muqdisho Dec 09,2011(qurbejoog.com)- Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa maanta kasoo dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG Soomaaliya.
Ban Ki-moon ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya, gudoomiyaha barlamanka, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya, iyadoo markii dambe loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo uu kulamo xasaasi ah kula qaatay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ban Ki-moon oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu soo dhaweyey in Ciidamada Milatriga dowladda Kenya ay ka mid noqdaan kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in taasi ay tahay mid Soomaaliya u horseedi karta nabad.
Sidoo kale Xoghayaha ayaa waxaa uu sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS laga soo rari doono Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya islamarkaana laga furi doono Magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Midwga Afrika AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku guulaysteen xaqiijinta ammaanka Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Inta uu soo cago dhigan Mas’uulkaani Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gabi ahaamba la hakiyay duulimaadyadii jiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo guud ahaan wadooyinka waa wayan ee Magaalada oo lasoo dhoobay Ciidamo si gaar ah u tababaran oo xaqiijinayay Ammaanka Muqdisho.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmd oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in booqashadaani uu Xoghayaha guud ee Qarmaada Midoobay Ban Ki-moon ku yimid Muqdisho ay tahay mid taariikhi ah, waxaana uu tilmaamay in tani ay ku tusinayso sida Cidiamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay u xaqiijiyeen ammaanka Muqdisho.
Booqashadaani ayaa noqotay middii ugu heersaraysay oo ka dhacday Soomaaliya, iyadoo booqashadaani ay ka duwaneyd booqasho horey ay Magaalada Muqdisho ugu saareen Mas’uuliyiin kale.
Q urbejoog-Muqdisho