|

maayarka hargaysa oo dhagax dhigay Waddo laami ah oo isku xidhaysa degmooyinka 26-June iyo Gacan Libaax

Hargeysa (D.H.H)- Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa  khamiistii dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo 1.3km iyo 300 oo ka bilaabmaysa Jeelka weyn ee Hargeysa hortiisa illaa Isgoyska Baliga Daami ee degmada Gacan libaax.

Kulankii loo sameeyay bilowga wadadan oo socon doonta muddo bil ah waxa kale oo ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka, Golaha Wakiiladda iyo masuuliyiin ka tirsan Dawlada Hoose ee Hargeysa.

Enj. Ibraahim Aadan oo ah Injineerka guud ee dawladda Hoose ee Hargeysa  oo ka hadlay halkaasi wuxuu sheegay in wadadan baahi weyn loo qabay waxaanu yidhi “Wadadan oo ay dhismaheeda iska kaashadeen bulshada ku dhaqan labada degmo ee ay wadadani marayso ee Juun iyo Gacan libaax iyo Dawlada Hoose ee Caasimaddu, waxay dawladda Hoose ay go’aansatay inay wadada badhtamaha magaalada ka qaado culayska badan ee dhinaca gaadiidka arrintaasna aad baanu ugu faraxsan nahay.”

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo ka hadlay halkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay wadadan cusub waxaanu yidhi “Wadadan oo isku xidhaysa degmooyinka  26 Juun iyo Gacan libaax wuxuu dhererkeedu noqonayaa 1km iyo 300 oo mitir, waxaanu ku  bixinay dhismaheedii qandaraas waxaana lagu dhisayaa muddo bil ah haddii ALLE yidhaahdo.”

“Wadadani waxay ka mid tahay waxqabadka dawladdu samaysay mid sare iyo mid hooseba waana isku mid, dadweynaha cashuurtoodiina waa laga samaynayaa, waxaanu shirkadaha laydhka iyo kuwa Telefoonadda u soo jeedinaynaa inay meesha ay wadadani marayso biraha iyo waayirada ka sii goostaan, wadadani dhismeyaasha iyo  dayrarka ay marto waa la wada duminayaa,”ayuu yidhi Maayarka caasimaddu. 

Md. Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa ayaa  sheegay inay wadadani qeyb ka tahay dedaal badan oo dawlada Hoose ee Caasimadda Hargeysa ugu jirto inay horumariso wadooyinka magaalada oo ay la hirgeliyo waddooyin laami ah oo cusub.

“Wadadani waxay isku xidhaysaa degmooyinka Gacan libaax iyo 26-ka Juun waxaanan ku rajo- weyn nahay inay samxadda ka qaadi doonto dawlada Hoose ee Hargeysa. Waxaan leeyahay wadooyinkan iyo kuwo kaleba waanu hirgelin doonaa haddii ALLE yidhaahdo,”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Xaydh. 

Xoghayaha  Guddi hoosaadka Joogtada ee Golaha wakiiladda Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye  (Nacnac) oo ka hadlay madashaasi ayaa  dawlada hoose ee Hargeysa ku ammaanay dedaalka ay mudooyinkan dambe fulisay ee ku wajahan dayactirka  jidadka iyo kuwa cusub ee ay ka hirgelisay shanta degmo ee caasimada Hargeysa.

Xildhibaan Nac-nac wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inay dawlada Hoose kala shaqeeyaan casriyaynta adeegyada caasimadda Somaliland.
xasan maxamed cabdilaahi
hargeysa

Comments are closed