Ruushka oo Mareykanka ku eedeeyay qalalaasaha ka dhashay Doorashooyinkoodii baarlamaanka
Moscow Dec 09,2011(qurbrjoog.com)-Reysul wasaaraha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa saxaafada ka sheegay in dawlada Mareykanku dabada ka wado dadka qalalaasaha ka wada dalkiisa.
Reysul wasaaraha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay xoghayaha arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton.
Haweeneyda ayaa dhawaan sheegtay in ay ka walaacsan yihiin isdaba marin ay sheegtay in ay hareysay doorashooyinkii baarlamaanka Ruushka ee dhawaanta dhacday.
Dad u badan taageerayaasha axsaabta mucaaridka Ruushka ayaa isu soo baxyo rabshado wata ka sameeyay qaar ka mid ah magaalooyinka Ruushka.
Reysul wasaaraha Ruushka ayaa Mrs Clinton ku eedeeyay in ay si toos ah u soo farogelisay arrimaha dalkiisa.
Waxaanu sheegay in dalkiisu tulaabooyin uu ku sugayo amaankiisa uu qaadi doono.
Xisbiga midawga Ruushka ee haya talada dalkaas ayaa ku sigtay in uu waayo aqlibiyadii uu ku lahaa baarlamaanka dalkaas ka dib kolkii uu waayay 70 kursi oo uu hore ugu lahaa aqalka baarlamaanka.
Ciidamada kala erya dadka qaska sameeya ayaa lagu daadiyay dhamaan wadooyinka Ruushka habeenadii u danbeeyay.
Qurbejoog-Moskow