Al Shabaab oo bilowday isticmaalka Twitter
Muqdisho Dec 09,2011(qurbejoog.com)-Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadkan markii u horeysay lagu arkay barta xog-wadaaaga ee Twitter ka dib kolkii ay furatay ciwaan u gaar ah HSMpress Somalia.
HSM oo loo soo gaabiyay Harakat al Shabaab al-Mujahideen ayaa ilaa iminka la isticmaalay uun ilaa lix goor oo qudha.
Tilaabadan ayaa u muuqata mid jawaab u ah afhayeenka ciidamda Kenya oo si joogto ah u isticmaala Twitter.
Ilaa iminka waxa baahinta HSM fiiro gaar ah u leh saxaafada,heyadaha gargaarka iyo cid walba oo xiisaysa la dagaalanka argegixisada.
Durba shabaabku waxa at witter u isticmaaleen sheegashada dhawr dagaal oo todobaadkan dhacay iyo ciidamo ka tirsanaa dawlada oo isu soo dhiibay.
Shabaabka ayaa dhawaan magacoodii u bedelay Imaarada Islamiga ah ee Soomaaliya.
Furashada Twitterna waxa ay qeyb ka tahay dib u habeynta ay kooxdani ku sameyneyso sawirkii hore looga heystay.
Qurbejoog-Muqdisho
Somalidiasporanews.com