|

Duulaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku qaadeen AL Shabaab

Muqdisho Dec 08,2011(qurbejoog.com)-  Dagaalkaani oo ahaa mid aad u culus ayaa maanta waxaa uu Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo taageero Milatari ka helaya kuwa AMISOM iyo Kooxda Al Shabaab waxaa uu ku dhexmaray degmooyinka Huriwaa iyo Yaashqid ee Magaalada Muqdisho.
 
Inta la’ogayahay 7-ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaalka oo ahaa mid labada dhinaca ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan sida ay Website-ka Somalidiasporanews.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.
 
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen goobo ka mid ah degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshid oo ay ku sugnaayeen Al Shabaab, waxaana markaasi kadib qarxay dagaal xooggan.
 
Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in iminka tahay mid dagan, waxaana mararka qaar goobahaasi laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay ridayaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM.
 
Dagaalka ayaa waxaa uu daba socdaa dagaallo goos goos ah oo habeenadii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed