Raiisul wasaare Gaas oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, Soona dhaweeyay Ciidamada Kenya ee ku biiraya AMISOM
Muqdisho Dec 08,2011(qurbejoog.com)- Barqonimadii maanta ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya waxa uu kasoo dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Gaas ayaa isaga iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kadib safaro uu kusoo kala bixiyay Wadamada, Kuwait, Qadar iyo Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Mas’uuliyiin farabadan oo ay ka wada hadleen xaaladaha Soomaaliya.
Hadal kooban uu Warbaahinta kusiisyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kaga warbixiyay safaradiisa, isagoo dhinaca kale soo dhaweeyay Ciidamada Kenya ee ku biiraya howlgallada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan keeneyn in Ciidamada Kenya ay ka mid noqdaan kuwa AMISOM, wuxuuna carabka ku dhuftay in taasi kaliya ay sii ballaarinayo ammaanka Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaani ayaa imaanaya saacado kadib markii barlamanka dalka Kenya uu ansixiyay in Ciidamada Milatriga dowladda Kenya ay ka mid noqdaan kuwa Midowga Afrika AMISMO ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Qurbejoog-Muqdisho