Qarax ka dhacay Aaga Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo sadex ruux ay ku geeriyoodeen
Muqdisho Dec 06,2011(qurbejoog.com)-Waxa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay qarax weyn oo dad ilaa sadex ruux gaadhaya ay ku dhinteen sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaala u xaqiijiyeen Qurbejoog.com
Qaraxan oo ka dhacay aaga KM4 ayaa waxa geystay ruux ismiidaamiyay oo sitay walxaha qarxa oo uu gaadhi ka soo buuxiyay.
Qaraxan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn safaara qudha ee Muqdisho ku tall ee Turkiga ayaaney cadeyn in iyada la bartilmaansanayay.
Masuul u hadlay safaraada ayaa sheegay in aaney qabin in iyaga lagu socdey.
Ciidamada Booliska ee aagaas xaamiga ah ka hawlgala oo gadhiga ka shakiyay ayaa nasiib wanaag wadada weyn ka duway.
Ciidamada oo warsad ku bilaabay ruuxa gaadhiga watay ayaa markiiba is-qarxiyay,waxaana halkaa ku geeriyooday askartii gaadhiga baadheysay iyo ruux kale oo rayid ah.
Ilaa iminka cidi ma sheegan in qaraax ay iyadu ka danbeysay waase hubaal in dusha loo saari doono kooxda Shababka oo iyadu lagu yaqaan hawlahan.
Qurbejoog-Muqdisho