|

Maxaa ka jira in mid ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha Somaliland loo qabtay dilkii Seemaal?

Hargeysa Dec 06,2011(qurbejoog)- Warar horu dhaca oo naga soo gaadhaya xubno u dhuun daloola xukuumada Somaliland ayaa sheegaya in Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timocad) oo ah la-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Siyaasada xabsiga la dhigay maanta.

Abiib Timacad iyo wiil uu dhalay ayaa la sheegayaa in loo hayo sababo la xidhiidha dilal fool xumaa oo habeen hore ka dhacay aaga Seemaal oo ka tirsan degaanka Ceelberdaale oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley  iyo Baki.

Xadhiga ayaa yimi ka dib kolkii bulshada reer Awdal ay dhawaaq dheer ku muujiyeen cadhadooda ku wejahan dilalakan soo noqnoqday iyo xidhiidhka ay la leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Somaliland xukuumadeeda.

Weli wax wara ah ooo rasmi ahi xadhiga Abiib Timacad kama soo bixin xukuumada iyo ciidamada amniga ee Somaliland.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed