|

Madaxda IGAD oo ka hadlay xaaladaha Somaliya

Addis’ Ababa York Dec 06,2011(qurbejoog.com)- Kadib markii shalay Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shriif Sheekh Axmed uu gaaray Magaalada Addis’ Ababa ee Caasimadda dalke Ethiopia ayaa halkaasi waxaa uu kulamo kula qaatay Madax ka socotay Ururka IGAD oo ay kawada hadleen xaaladaha aammaan ee Somaaliya. 

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG Soomaaliya C/qaadir Jahweyn oo la hadlay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan Ururka IGAD oo ay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya. 

“Madaxweynaha waxay kulan yeeshen dhigiisa Jabbuuti, oo ay kawada hadleen xaaladda ka jirta dalka, sidoo kale Madaxweynaha wuxuu la kulmay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, waxay ahaayeen kulamadaasi kuwo miro dhal ah, oo la’isugu wareesanayay xaaladda iminka ka jirta Somaliya, gaar ahaan xiriirka ka dhaxeeya wadamada dariska ah” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG ah. 

Madaxweynaha ayaa la filayaa in maanta uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo la filayo in Saxaafadda uu uga warbixiyo kulamadii uu lasoo qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti.

 

Qurbejoog-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed