Maayar Jiciir Oo Beeniyay In Cid Gaar Ah Lagu Wareejiyay Salyada Xoolaha Hargeysa
Hargeysa Dec 05,2011-(D.H.H/qurbejoog.com)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa beeniyay in dawdalada hoose ee Hargeysa ay cid gaar ah ku wareejsyay sayladda Xoolaha ee caasimadaa, waxaanu ku tilmaamay warar been abuur ah oo ay fidiyeen xubno ka mid ah dawaynaha ku ganacsada seylada oo aan xil kas ahayn.
Maayarka Hargeysa Eng. Jiciir waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyay kulan ay shalay yeesheen masuuliyiinta dawlad hoose, gudida saylada xoolaha iyo ururka Nafaqo ee magaalada Hargeysa, shirkaasi oo lagu qabtaya xarunta dawlad hoose ee Hargaysa.
Maayarka caasimada Hargeysa Eng, Xuseen Maxmuud Jiciir waxa uu sheegay in ay wadaan mashruuc balaadhan oo dib u habayn iyo horumarin lagu samaynayo Sayladaha magaalooyinka waaweyn ee dalka, mashruucaasi oo ay maal-galinayso dawlad Ingiriisku .isla markaana ay ku baxayso lacag dhan lix milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar.
“Mashruucan waxaa lagu hagaajinayaa sayladaha xoolaha Somaliland, gaar ahaan sayladaha magaalooyinka a Hargeysa ,Burco iyo Boorama, mashruucan waxaa laga samaynayaa dalka oodhan .
Mashruucan waxaa hirgelinaysa oo ina siisay Dawlada Ingiriiska waxaana ku baxaya lacag faro badan oo qiyaas ahaan dhan ilaa lix malyan iyo shan boqolo oo kun oo doolar. qaybatanina waa qaybtii ugu horeysay oo tijaabo ah. Waxaa la ogaaday in Somaliland laf dhabarkeedu yahay Xoolaha markaa waxaa la yidhi sidee loo hagaajin karaa nolasha xoolaha ninkii xoolah dhaqanaaya .caafimadkiisii, biyhiisii ,cawskii, sidii wax looga qaban lahaa meelihii lagu iibsanayay, in lagu abuuro shaqooyin xoolihii marka la iibsado meelo ay ku sii nastaan oo lagu sii naaxiyo, taas ayaan saldhig u ah mashruucan, talabaadanina waxaa weeye in ay dawladu cashuur ka ka hesho.” Ayuu yidhi Maayar Jiciir waxaanu intaa raaciyay “Markaa warkan beebta ah ee dadkii saylada la soo galiyay haduu yahay kii cawska, kii biyaha iibinaayay iyo kii dilaalayayba, waxa aan u sheegayaa dhamaan tood dadka saylada ka ganacsada in aanu jirin warkaasi dadkii beentaa rogrogayayna dawladu way daba socotaa waxa cashuur ah oo la kordhiyayna ma jirto . mashsruucaana waxaa ka faa[iidaysanaaya dhamaan dadka loo yaqaano daneeyayaasha ay noloshoodu ku xidhan tahay xoolaha oo ay dawladuna ku jirto.”
Gudoomiyaha gudida saylada Hargeysa Maxamed Aadan Xasan ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa wuxu yidhi “dawaynnihii saylada ku ganacsanayay dhamaantood war khalad ah loo sheegay
warkaasi oo aanu anaguns dadkii ka saari kariwaynay waxa aanu maduuliyiinta dawlad hoose ka rabnaa in ay warkaa dafka sida uu yahay sheegaan”
Xoghayah Dawlada hoose ee Hargeysa Mawliid Weris Cabdillaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa uu uga digay dadka wararka aanay waxba ka jirin galinaaya shacbiga in ay talaabo ka qaadi doonaan sharcigana ay u marin doonaa waxaanu yidhi “Qofka wada qaloocan ee raba in uu umada jaahwareeriyo ama nabad galyo daro abuuro u dul qaadan mayno kuwii sameeyay warkaa beenta ah talaabo ayaanu ka qaadi doonaa waxaan noo socda baadhitano
xasan maxamed
hargeisa