|

Somalida ku jirta xabsiyada Tanzaniya oo caqabdo soo wejeheen

Dara Salaam Dec 06,2011(qurbejoog.com)-Soomaalida ku jirta xabsiyada dalka Tanzaniya aya ala sheegayaa in ay ku nool yihiin marxalad aad u adag bacdamaa aney helin adeegyada aasaasiga ah.

Soomaali tiradooda lagu qiyaasay ilaa 200 oo ruux ayaa ku jira xabsiyada dalkaas.

Iyada oo dadkaasina ay ka kooban yihiin caruur aad da’adoodu u yartahay,Dumar iyo dad waayeel ah.

Dadkan ayaan ka helin adeeg caafimaad iyo quudin hagaagsan dawlada xabsiga dhigtay dadkan qaxootiga ah.

Dawlada Soomaaliya ayaa loo gudbiyay codsi dadkan xaaladoda wax looga qabto,weli wax jawaab ah laga hayo dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Qurbejoog-Dara Salaam

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed